Dayuurad nooceedu yahay Boeing 737 oo ay lahayd shirkadda dayuuradaha ee Itoobiya ayaa ku dul burburtay badda Lubnaan daqiiqado ka dib markii ay ka kacday caasimadda Beyruud.
Wasiirka Arrimaha Socdaalka ee waddanka Kenya Otieno Kajwang ayaa saxaafadda u sheegay in waddankiisa uu dulqaadkii ka dhammaaday ayna tahay in dhammaan siyaasiyiinta iyo xildhibaannada Soomaalidu waddanka isaga baxaan ama galaan xeryaha qaxootiga.
Waxaa xalay fiidkii si lama filaan ah mar qura waddooyinka loogu soo daadiyey ciidammada booliiska iyo kuwa koofiyo casta dalka Kenya xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.