Golaha Wasiirrada oo oggolaaday lacag cusub oo la soo daabaco iyo warar sheegaya in guddoomiye cusub Bangiga loo magacaabay

Category »  NewsMonday, January 18, 2010
Comments   |   Print   |   Mail it
Arrinka lacagta cusub ayey ka soo baxayaan walaacyo kala duwan oo ah in ay keeni doonto sicir barar la soo gudboonaada badeecooyinka iyo qiimobeel ku dhaca lacagta arrinkaasoo uu ka dhawaajiyey Guddoomiyihii is casilay ee bangiga dhexe Bashiir Ciise Cali. Waxaa sidoo kale warar la isla dhexmarayo ay sheegayaan in guddoomiye cusub oo bangiga dhexe uu yeesho ay golaha wasiirradu ansixiyeen. Guddoomiyahaan cusub ayaa la sheegayaa in uu yahay guddoomiye ku xigeenkii guddoomiyihii is casilay kaasoo lagu magacaabo Maxamed Xaaji Cali. wixii warar ah ee arrintaan ku soo kordha kala soco Jawiil.com

Powered by Jawiil