War degdeg ah: Dayuurad Itoobiya laga leeyahay oo Lubnaan ku burburtay.

Category »  NewsMonday, January 25, 2010
Comments   |   Print   |   Mail it
Dayuuradda ayaa kacday markay saacaddu ahayd 2:30 habeennimo iyadoo ku soo jeedday magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya iyadoo sidday 90 qof oo isugu jira 83 rakaab ah iyo 7 shaqaalaha dayuuradda ah. mas'uuliyiinta reer Lubnaan ayaa ka hadlay arrinka burburka dayuuradda waxayna meesha ka saareen wax fal argagixiso ah waxayna sheegeen in hawadu ay aad u xumayd isla markaana ay hawada xun awgeed ay tahay waxa ugu badan ee dayuuradda burburiyey. Dadka saarnaa dayuuradda ayaa u badnaa dad u dhashay Lubnaan iyo shaqaale ka xoogsada Lubnaan oo reer Itoobiya ah.

Powered by Jawiil