Inkastoo Shabaab ay leeyihiin Afhayeen uga hadlay siyaasadooda dalka ayaa waxaa tan iyo markii ay Maamulo u sameeyeen Gobolada dalka bilowday tafaraaruq dhanka hadalka oo Saraakiishooda ka soo yeerayeen.
Afhayeenkii hore Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in aanay duulaan ku aheyn Dalka Keyna, isagoo sheegay in ay nabad gelinayaan sida uu hadalka u dhigay.
Isagoo wareysi siinayay Idaacad ku hadasha codka Al-Shabaab oo ku taal Magaalada Kismaayo ayuu Abuu Mansuur waxaa uu meesha kaga saaray wararka sheegaya in ay duulaan ku yihiin Kenya, kadib markii ay Ciidamo fara badan soo dhoobeen xuduuda.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubooyinka ayaa horay ugu hanjabay in ay weerarayaan dalka Kenya, ayna ka tallaabayaan waxa ay ugu yeereen xuduud beenaadka.
Shabaab oo dadka ku tiriyaan inuu yahay urur Seef-labood ah ayaa u muuqday mid in badan ay wax iska badaleen hanaankooda isku xirnaan, waxaana la sheegaa in saraakiishooda ay isku mabda' yihiin, isla markaana aanay kala hadal, hase ahaatee hadalada iska soo horjeeda ayaa u muuqda mid soo dedejin kara khilaafaad uu lugaha la galo ururkooda
Powered by Jawiil
|